Press "Enter" to skip to content

Buulkii Yaraa: Qamaan Bulxan

Qamaan baa waa carro Isaaq socdaal ku tagay. Niman ay kulmeen ayaa gabadh ayaanu ku siinaynaa
siinaynaa ku yidhi, diiday inuu dhahana way la ahaan wayday. Markuu Ciid kusoo noqday fariimo 
badana laga soo dabadiray ayuu gabaygan faray.

1. Balan Nuur Dhirqeeyow la waa, bar uu wanaajaaye
2. Bishaan imid bishaanu waa ku toban, beena loo dhimaye
3. Waxaan bi'iyey mooyee ma jiro, ballo dhul taalaayee
 
4. Anagu bawdo geel kama dhaqniyo, badhi ku taal naage
5. Bus iyo weerar baasiyo col baan, Badow ku taabnaaye
6. Baayaco hablihii kaaga hadhay, beed haday galiye
 
7. Birtoo lala ordiyo geed ninkii, ba'ani hoos moodo
8. Baraawida Ogaadeen waxay, barako moodeyso
9. Bari-bari basbaas iyo caddiin, maraqaad bakaal mooddo?
 
10. Bafto dhuulo lagu soo shaqliyo, baba-bacdaa yeedhi
11. Waxba yaan bilbilihii Isaaq, laygu baayicine
12. Waxba yaan banaadiri cad iyo, boqor i caydhayne
 
13. Baryo ina-adeerow haddaan, badhax ku reereeyo
14. Bukur caydh ah iyo wiil kolkay, bari ka soo qaaddo
15. Buulkii yaraa daba fadhigii, yaan ka buubsanahay!
 

Isha gabayga:Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980.

Ma dhana gabaygani ee soo raadi inta ka maqan oo nala soo socodsii. Waxaan intan nasoo gaadhsiiyey Xadiis Axmed Caabi.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r