Ilma Samatar (Maalinguur) iyo ilma Warfaa (Reer Warfaa) oo Reer Cabdille, Ogaadeen ah, ayaa waxaa ka dhexeeyey loolan ku saabsan xagga curadnimada, ugaasnimada, laandheeranimada iyo gobanimada. Waxaa la sheegaa in loolankaasi billowday aabahood Xirsi oo nool, dabadeed wuxuu yeeshay waji suugaaneed markii dad xidid ahaa ay yarad, dhibaad iyo martigalin ku kala eedsheegteen gabayana isugu tiriyeen. Gabayadaasi waxay ka tallaabeen xididkii wax kala tirsanayey, waxaana laysula gudbay loolankii dhabta ahaa ee Warfaa iyo Samatar. Suugaantan baaxadda weyn yeelatay ee ka billaabatay guurkii Canbaro Dheel waxaa qaybtii hore iyo qaybtii dhexeba weerar cuslaa Maalinguur.
Mar dambe, Reer Warfaa waxay maleegeen shirqool laba abwaan oo ruug caddaa ahaa inan-layaalna u ahaa ay Maalinguur kaga horgaynayaan. Labadaa gabayaa waxay kala ahaayeen Maxamuud Cali Beenaleey iyo Cali-dhuux Aadan Goroyo. Reer Warfaa waxay ku hormareen Cali-dhuux oo waxay u direen niman seeddiyaddii ah waxayna ku yidhaahdeen waxaa Reer Cabdille noo soo kaa faray: “waxaan ku go’naa Calidhuux ee ha kala caddeeyo Reer Warfaa iyo Maalinguur midka gobsan” Cali-dhuux shirqoolkii Reer Warfaa ma fahmin, godkii ay u saynsaabeen ayuuna dalaq ku yidhi, wuxuuna soo faray gabay ay ka mid ahaayeen meerisyadan hoose:
Xawadayda kuma iibin karo, maraggii xeeleede
Midna ima xigoo labadan qolo, waan xaq simayaaye
Allaylehe waxaa ila xadhaadh, sida xiniintay ah
Ninka xididkii oo soo martiyay, xeedho la cuslaatay
—
Xaashaa lillee Reer Warfaa, kaa xarrago roone
Maaliguur uma jawaabin Cali-dhuux, waxaana lala wada yaabay laba jilib oo laf hoose, Reer Ugaas Xirsi, isku ah waxa soo dhex galiyay.
Abwaanka labaad oo ahaa Maxamud Cali waa lagu kari waayey dhawr jeer oo laysku dayay in madaxa loo galiyo Maalinguur. Markii ay ka samreen Ina Cali Beenaleey ayey Reer Warfaa dabin kii hore ka khatarsan dhigeen. Nin Gaani Madoobe la odhan jiray oo Reer Dalal ahaa ayaa tiriyey gabay masabid ah oo uu ka dhigay wax Maalinguur tiriyey isagoo ujeedkiisu yahay inuu MaxamuudCali gabaygaa qoonsado weerarna ku qaado Maalinguur. Gaani gabaygiisa waxaa ka mid ahaa:
Inta Bari degtiyo Reer Warfaa, ha is bahaysteene
Ballan qabaha Doolaal Jiciir, haysku biirsheene
Bar hadduu u tari Muumin Cali, haysku badiyeene
Dadka qaarbaa meeriska u dambeeya u wariyey: “bar hadduu u tari Beenaleey, hasyku badiyeene”
Si kastaba ha ahaatee, gabaygaa ayaa MaxamudCali gaadhay horayna wuxuu ula socday shirqoolladii kale ee Reer Warfaa ay Maalinguur ugu col sameeyeen. Wuxuu qaadan waayey in Maalinguur wixii Bari dega oo Maxamud Cali ku jiro ay wada gaadhaan! Wuxuu sidoo kale qaadan waayey in Maalinguur aagga isku ballaadhiyo oo ay gabayga kusoo jiidaan rag uu isagu ka mid yahay oo gabay loo qiray, sheekadanse aan lug ku lahayn. Shakiba ha galo, laakiin Maxamuud ma hubin cidda gabayga tirisay, inan-la-yaalna wuu yahay, wuxuuna iska dhawrayaa isagoon hubsan inuu Maalinguur gabay u mariyo. Haddaba wuxuu tiriyey gabay qaali ah oo la baxay Baxnaano. Waa gabay afeef iyo goodi miidhan ah, wuxuuna yidhi:
Gabaygaan buruudka u lahaa, waan ka baalidaye
Ma billaabin meeshiyo intay, baladu oognayde
Kolkii dunida baasuhu galaan, baafiskii dhigaye
Nin bandiiradii tiiriyeyoo, beylahshaan ahaye
Barmiiseeyemaansada raggii, baasha hayn jiraye
Xalaybaa basada la ii akhriyey, goor habayn badh ehe
Aan boosteeyo caawaan hayaa, burunjidiisiiye.
Bullaxaar magaalada Barbara, Buulyar iyo Awdal
Beerihii Shabeeliyo Busliyo, webiga baaciisa
Burco iyo Baargaal Hobyiyo, badaha liilkooda
Balad Weyne Baydhabiyo Xamar, Baydisleiyo Koonfur
Bilaad Sheekh Xuseen iyo arlada, bilaha loo jeedo
Boholaha Hawaasiyo illaa, badhaha Nayroobi
Barrin Carabka beydkiyo Kabcada, lagu bishaaraysto
Basriyo Xudaydiyo Sanciyo, Cadan bataaxeeda
Baallaha intaa naga jirtee, bada Islaameeda
Dadka badani waa ii ogyahay, baabka maansada e
Badweyn iyo anaa lay yaqaan, bilicdii geeraare
Billaadada wax laga naadiyaa, beydadkaan dhigaye
Bukuluu ninkii ii yidhaa yaan, baddaan galine
Sidii Buluk Talyaani oo xarbiyey oo Xabashi baandheeyey
Burmadiyo siddii miinadaan, wax u baduugaaye
Bastooladaha meeshaan ku rido, laga banjoogowye
Bukurow facay lama tartamin, amase bayd-gaabe
Nin aan meel ka wada beeranahay, baaquliyo caydi
Iyo aniga baandhaha tol waa, layga badiyaaye
Umana baran bahdeey iyo in aan, bi’iyo Daaroode
Shisheeyaha kolkaan baratano, yaan anigu beyshaaye
Gaaniga balaayada dhigayee, huriyey baaruuda
Iyo buugaguu Maxamed Cumar, badiyey kiiskooda
Barri waxaa la weydiin ninkii, bowlahaa furaye
Basarxumo inuu Reer Warfaa, budulka qaadsiiyey
Iyo inay bacdii Maalinguur, baanisanhan keentey
Oo ani intiiBarifadhiday, la igu laan buubshay
Beentiyo runtuba waadhow bay, kala baxaayaane
Aan baxnaansho xaajada halkii, badhida loo saaro
Sida Baalidii dumarka ee, baqarta maalaysey
Ee caanihii uga bateen, baq iyo faarowga
Ee boqorka aaddan u tagtee, baabada u sheegey
Ee yidhi lo´dii kala badh oo, baal u kala qaabi
Ee inuu barooduhu fidnayn, Baafiyuhu sheegay
Dabadeed billaawaha afka leh, baydda lagu gooyay
Ee kureygu buraduu jeclaa, looga soo bixiyey
Ee baabadhuuryadu dabkii, beerka kala boodey
Ee dhuxusha baal kaga nabnayd, baqalyadii qaaday
Ee baladka weyn ee camiran, saartay badhihiisa
Dabadeed bandarigii gubteen, beesad laga qaadin
Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya
Sumalkii barriga daaqayee, cunayey baadkiisa
Ee wiil badraan ihi wankii, badhida weyn taabtay
Ee kii lahaa ee ba’naa, beerka kala gooyey
Dabadeedna laysugu baxee, boqol ku ruux weyday
Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya
Barkad iyo naagtii Bah Ararsame, eeday bilicdeeda
Ee badhaladiidirirtay iyo, baarcadii lee’atay
Tafadhiig dabeed loo baxshee, beelihii rogatay
Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya
Nirigii baloobayee cadhadu, dhinaca boogaysay
Ee baatirtuu nuugi jiray, baasihii galiyey
Dabadeedna geelii badnaa, wada balaayeeyey
Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya
Midgihii bakhtiga jiitayee, baydhay sabankii xun
Ee in ay bidciyo ceeb faleen, buugga lagu jiiday
Ee siday dadkii uga baxeen, loo badalin haybka
Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya
Bahdii iyo xigaaliyo ninkii, baradii weydaarta
Bilo saad ku qaybiyo hadduu, baad la tagi waayo
Ama wuu bakhtiyi amase waa, loo buraanburiye
Saw inii barwadanloo akhriyo, buugga kuma taalo?
Marti balashi loo daadiyaa, waa bakhtiyo duufe
Buuri iyo sunbaa lagu daroo, layska bi’i soore
Balaayaa dhacdaye yaa haddaba, beel u hoyan doona!
Danjire Cabdullaahi Xasan, Maxamed-rashiid Sheekh Cabdullaahi iyo Deeq Sayid Kaariye ayaan ka saxay.
Maalinguur iyo Reer Warfaa gabayo badan oo kala daran ayey isu mariyeen, sheekaduna way fogaatay. Waxa ilaa iyo haatan naga soo gaadhay waa tixo teelteel ah iyo meerisyo halqabsi ahaan loo soo qaato oo kaliya. Waxaa la odhan karaa gabaygan iyo midka Maxamed Cumar Dage ah kuwa kaliya ee inay dhammaystiran yihiin u eg. Wixii aad ka hayso noo soo gudbi.
Be First to Comment