Gabaygan abwaanku wuxuu tiriyay waqti uu in muddo ah ka go’ay tirinta maansada dabdeedna lagu daraaway. Wuxuuna yidhi:
- Awel Maanso waataan gurshoo, gooyey waayahane
- In dhawayd ka gaban gaabsadoo, wayga garateene
- Anigoo an gabin baan nacee, kama gal gaaleene
-
Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye
-
Gabaygu waa yaraa Muxumedoow, gaafihii hore’e
- Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin
- Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago’e
- Maantana Gurbood iyo gabdhiyo, gaban yaroo wiila
- Iyo Oday guxuushaaya baa, guusha loo simaye
-
Gef inay amuurtaasi tahay wawga gaabsadaye
-
Guubaabo iyo gooddi iyo, gabay ma daayeene
- Haddii aan garwaaqsaday intaan gu’ iyo Waa Joogay
- Nin gaboobayoo oday noqdiyo, guudcaddaan ahaye
- Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale’e
-
Inuu godob islaameed I bado, wawga gaabsadaye
-
Cibaadada ninkii gaar ka mara , guul darraa heliye
- Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba
- Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye
- Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka
- Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede
- Gelin dhexe habaynkii wardaan, guri’a Laylkiiye
-
Nin ilaah u go’ay baan ahoo wa uga gaabsadaye
-
Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo
- Inkastoo barkood go’ay naflaha, geeri bow imane
- Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole
- Galka Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda
- Gooddiga Hargaysiyo intii, Guban ka hoosaysa
- Gar loo gubay Galbeed iyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda
- Garbahaaraleey iyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya
- Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay
- Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye
- Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada’e
-
Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye
-
Nin gurbooda lama qayr san karo, guun haddaad tahaye
- Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya
- Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda
- Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo
-
Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye
-
Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye
- Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide
- Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go’ye
- Afcad wuxuu Gallayr yeyn ogaa, geesigii dhimaye
- Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane
- Anna goor dhow baan filahayaa, goof la’ii qodo’e
-
Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye
-
Markaan gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay
- Intii aniga geed iyo shir iyo, garan gar lay keenay
- Amaan meelo lagu guulay iyo, gogol ka sheekeeyey
- Haddii anan gabaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo
-
Inaan faa’ido laga gaara hayn, wawga gaabsadaye
-
Haddii anan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin
- Ama anan gamaankii fardaha gorey ka fuulaynin
- Ama anan garaaddiyo billado garabka saaraynin
- Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole kasheeggiise
-
Inaan galala’diisu I anfacayn wawga gaabsadaye
-
Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye
- Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya
- Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe
-
Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye
-
Adduunyadaba gaasiran ninkii, gaan ahaan jiraye
- Ninkii gacanta lala yaaci jiray, waa gabbanayaaye
- Ha yeeshee gadaal niman dhashiyo, gaacufyaa kacaye
- Anba gabay ragbaa igu qabsaday, iina gooddiyaye
-
In adduunku gaafaysi yahay wawga, gaabsadaye
-
Shir la gooday waayeel gabraday, talo la goyn waayey
- Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya
- Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday
- Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye
- Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isa soosiine
- Haddaanse guushey kani, waa adduun gees u foorare
-
Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye
-
Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe
- Goshay xiran jireen …maryaha loo garraarsado’e
- Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene
- Maantana gad baa lagu arkiyo, guul darriyo ceebe
- Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere
- Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane
- Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye
- Iyagoon ninama guursan bay, wada ganbaysteene
-
Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gabsadaye
-
Gooraan Fardood iyo Darmaan, Galow ka dheeraysa
- Sayidkiiba geel iyo lo’ iyo, godol wuxuu haystay
- Arlaa’iga wuxuu daar gin gimay, gulufna heenseeyey
- Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayey
- Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay
- Gebo-gebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray
- Waxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay
- Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gar gaaraayay
- Gegi buu ka taaganaa cid la’ah, maalintuu go’aye
- Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurki duugeede
-
Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye
-
Garaad nimaan lahayn baan ogayn gaadistii Malage
- Gugaan manta joogiyo hadaan gadaha faalleeyo
- Gantaalaha Malagii haystay iyo gamaska mawdkayga
- Markuu ruuxa iga goyn lahaa waala soo galaye
-
Inay taasna igu guullan tahay wawga gaabsadaye
-
Inkastoon gu’yaal badan cimriga, gelimo sii joogo
- Maraan go’aba Mawdkii rabbaa, ii gadaal imane
- Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone
- Gabnahaa agoontoobi iyo, gaaryahaan qabo’e
- Intaanan ciidda hoosteeda galin, wawga gaabsadaye
Waxaa noo soo diray Daahir Caaqil. Mahadsanid.
Be First to Comment