MUQDISHO— Shalay oo ku beegneyd 3-di December ee sannadkaan 2024-ka, waxay beegneyd 15-sano guuradi kasoo wareegatay qarraxii Hotel Shamo wee magaalada Muqdisho.
Qaraxaas oo uu fuliyay qof is miidaamiyay, ayaa waxaa lagu dilay 25 qof oo ay ku jireen saddex wasiir, halka lagu dhaawacay in ka badan 60 kale.
Goobta la weeraray ayaa waxaa ka socotay xaflad qalin-jabin oo loo dhigay arday culuumta caafimaadka ka bartay Jaamacadda Banadir ee Muqdisho. Marki uu qaraxa dhacayay waxaa makarafoonka heystay oo khudbad jeedinayay,
Dr. Cusman Maxamuud Dufle. Dr. Dufle oo hadda ah senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaan ku wareystay khadka Whats App.
Comments are closed.