Muqdisho (SONNA):- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, oo uu wehlinayay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Moqdisho kusoo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isu-duwidda Ka-Jawaabista Abaaraha dalka, kaas oo muhiim u ah xoojinta isu-duwidda hay’adaha dowladda iyo saaxiibada bani’aadannimo, si si wadajir ah looga jawaabo saameynta sii kordheysa ee abaaraha dalka ka jira.
Shirkan waxaa ka qaybgalay hay’adaha dowladda iyo saaxiibada bani’aadannimo, oo ay ka mid yihiin: Agaasimeyaasha Guud ee hay’adaha dowladda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM), Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN), Xafiiska Isu-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), wakiillo ka socday hay’adaha kale ee dowladda iyo ururrada bahwadaagta la ah dowladda ee ka shaqeeya gargaarka iyo ka-jawaabista abaaraha ayaa ka qeybgalay.
Ugu horeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa tilmaamay in shirka uu ahaa madal muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada, lagu wadaagayo macluumaad sax ah, laguna gaarayo go’aanno degdeg ah oo wax ku ool ah, si loo yareeyo saameynta abaaraha loona badbaadiyo nolosha bulshada ay dhibaatadu saameysay. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay madaxdii shirka ka soo qeyb gashay, isaga oo ku adkeeyay iskaashi joogto ah iyo Wada-shaqeyn
Ugu dambeyn, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaasha bani’aadannimada, si loo helo jawaabo mideysan oo wax tar leh.




Be First to Comment