Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa xiray Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir Abuukar Axmed Caddow Tifoow. Wararka ayaa sheegaya in Tifoow ay xireen ciidamada nabadsugidda, waxaana lagu eedeeyey in uu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab.
Abuukar Tifoow ayaa afartii bishan ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga ee Soomaaliya ka dib markii uu ka soo degay garoonka Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya, sida ay tilmaameyso xogta ay tebisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Waxa uu degmada Dharkenley ka soo noqday guddoomiye intii u dhaxaysay 2019-2020-kii.
Madal