Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dilal ka dhacay deegaano ka tirsan Galmudug


Dhuusomareeb
Dhuusomareeb

Maleeshiyo hubaysan ayaa xalay afar qof ku dilay deegaanka Oogle oo qiyaastii 15 km u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Sida dadka deegaanka ay u sheegeen VOA, dilka ayaa salka ku haya aano qabiil oo la xiriirta dil horey uga dhacay deegaanka.

Kooxdii dilka lagu tuhmayo ayaa goobta ka baxsatay. Laamaha amniga Galmudug ayaa sheegay inay wadaan baadi-goob lagu doonayo in lagu so qabto kooxdii dilka lagu tuhmayo.

Dhinaca kale koox hubaysan ayaa xalay deegaan hoostaga Xeraale ku dilay haweeney iyo ilmo yar oo ay dhashay, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyala.

Dilkan ayaa yimid kadib markii maleeshiyo hubaysan ay rasaas ooda uga qaadeen qoys xoolo dhaqato ah.

Madal

XS
SM
MD
LG