Isku xirrada

War Deg-Deg ah

167 Al-shabaab ah 'oo lagu dilay' gobolka Mudug


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Bayaan kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgal milateri oo shalay ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug lagu dilay 'in ka badan 167 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab' isla markaana lagu burburiyay xaruntii ay ku lahaayeen Koonfuurta Gobolka Mudug.
"Hawlgakaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xaruntaasi ay Khawaarijtu ku lahayd duleedka Dumaaye halkaas oo ahayd mawlaca ay Khawaarijtu horay uga dhacday culumada deegaanka una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, ku diyaariyaan qaraxyada, hoyna u ahayd horjoogeyaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah." ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

"Hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa ku geeryooday 167 ka tirsan Khawaarijtii goobta taagnaa oo ay ku jiraan sadex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita." ayuu raaciyay warmurtiyeedka dowladda.


VOA si madax-bannaan uma xaqiijin sheegashada dowladda ee dilka maleeshiyada Al-Shabaab.

Dowladaha Soomaaliya ka kaalmeeya dhinaca hawada weli si rasmi ah uma aysan xaqiijin haddii ay ka qeybgaleen howlgalkan.

Madal

XS
SM
MD
LG