# wargeys.com > Kala soco wararka gudaha oo dhan ## Posts - [Madaxweynaha JFS oo kormeeray Taliska 21 ee Ciidanka xoogga](https://wargeys.com/madaxweynaha-jfs-oo-kormeeray-taliska-21-ee-ciidanka-xoogga/): Dhuusamareeb(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha D-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 21-aad, Ciidanka Xoogga dalka ee magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Warbixin ku saabsan dib u habaynta ciidanka, qaab dhismeedka, hannaanka shaqo iyo qorsheyaasha hortabinta leh ka dhageystay Taliska Qaybta iyo Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada, isaga oo kula dardaarmay in ay labanlaabaan dadaalkooda dib u xoreynta dalka. Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb oo qaab casri ah loo dhisayo, isaga oo ku… - [Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada](https://wargeys.com/wasiirka-deegaanka-iyo-isbeddelka-cimilada-oo-furay-shirweynaha-isbeddelka-cimilada-iyo-dhallinyarada/): Muqdisho(SONN:- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada, kaas oo diiradda saaraya ka-qaybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada siyaasadaha cimilada, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta xalalka waara ee dalka. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka, Dhallinyarada iyo xubno ka socda hay’adaha dowladda, ururada bulshada rayidka iyo hay’adaha caalamiga ah. Ujeedada shirku waxay ahayd in la mideeyo aragtida dhallinyarada laguna dhiirrigeliyo ka-qaybgalka siyaasadaha qaranka ee cimilada, iyo in la… - [Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo qabatay kulan dadweyne oo la xiriiray dastuurka](https://wargeys.com/wasaaradda-cadaaladda-iyo-arrimaha-dastuurka-xfs-oo-qabatay-kulan-dadweyne-oo-la-xiriiray-dastuurka/): Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay kullan la-tashi Dadweynaha oo ku saabsanaa soo jeedinta wax ka beddelka Dastuurka, gaar ahaan Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad. Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay saddexda hay’adood ee dastuurka u xil-saaran ,iyadoo lagu dhageystay talooyin iyo fikrado dhanka shacabka ah oo ka hadlaya cutubyada 5aad ilaa 9aad ee ay soo bandhigeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka. Kulankaasi ayaa  intii uu socday waxaa ka soo qayb galayaasha ay gudbiyeen aragtiyo iyo iyo talooyin kale oo ku saabsan wax ka beddelka cutubyadaas, halka madax ka… - [Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta](https://wargeys.com/wasiiru-dowlaha-xafiiska-r-wasaaraha-oo-ku-baaqay-in-loo-midoobo-khawaarijta/): Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo kaalinta ay ka qaadan karaan shacabka Soomaaliyeed. Wasiiru Dowlaha ayaa boogaadiyay guulaha ciidamada qaranka ay todobaadyadaan ka soo hooyeen dagaalada ka dhanka ah khawaarijta,isagoo sheegay in ay socdaan howlgallo la doonayo in lagu qaado maleeshiyaadka khawaarijta ee diidan nabad lagu soo dabballo dalka. “Si dadka Soomaaliyeed loogu celiyo deegaanada ama goobinii ay ka soo barakaceen waa in dowladda garab lagu siiyo dagaalka ay kula jirto khawaarijta” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.… - [Buug ku saabsan dowlad dhiska Soomaaliya oo lagu soo bandhigay Muqdisho](https://wargeys.com/buug-ku-saabsan-dowlad-dhiska-soomaaliya-oo-lagu-soo-bandhigay-muqdisho/): Qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada XFS ayaa ka qeybgalay Munaasabad ka dhacday Magaalaa Muqdisho oo lagu soo bandhigay buug ka hadlaya dowlad-dhiska Soomaaliya. Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Masuuliiyiin kale oo lagu martiqaaday xafladdaasi. Masuuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay xafladdaasi,iyagoo boogaadiyay bandhigga buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu soo gudbiyay ama xambaarsan aragtiyo wanaagsan oo ku aadan dowlad-dhiska iyo habka ugu habboon ee loo marki karo.   - [Soomaaliya iyo Japan oo ka wadahadlay arrimmo badan oo muhiim ah](https://wargeys.com/soomaaliya-iyo-japan-oo-ka-wadahadlay-arrimmo-badan-oo-muhiim-ah/): Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda JICA iyo Guddiga Baarlamaanka Japan–AU, intii uu socday Shirweynaha Caalamiga ah ee 9-aad ee Horumarinta Afrika (Tokyo International Conference on African Development – TICAD-9). Wasiirka waxaa kulamada ku wehliyey Danjire Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Mudane Aweys Cabdullaahi Cali, Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisul Wasaaraha. Wasiirka Qorsheynta ayaa la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Mudane IWAYA… - [Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya](https://wargeys.com/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya/): Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Jimco, 22-ka August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Dowlad Gobleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo iyo bixinta adeegyada bulshada. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Galmudug, kaas oo ay fulisay Dowladda Hoose ee Dhusamareeb. 3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu qaadday tallaabo kasta oo lagu xoojinayo wadatashiga arrimaha masiiriga ah, walina sii xoojin doonto si loo gaaro hiigsiga shacabka ee dhameystirka dastuurka iyo… - [Ciidanka xoogga oo hawlgal ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Baay](https://wargeys.com/ciidanka-xoogga-oo-hawlgal-ka-fuliyey-deegaano-ka-tirsan-gobolka-baay/): Baay(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano dhaca galbeedka gobolka Baay, halkaasi oo gabaad ay ka dhiganayeen Khawaarijta. Deegaanada si gaar ah howlgalkan sifeynta ah looga fuliyay waxaa kamid ah Garas-gamaan, Xinshiloole iyo deegaanka Waneey, kuwaas oo qiyaastii 40km u jira degmada Waajid ee gobolka Bokool. Taliyaha Ururka 45-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXDS, Dhamme Onkod Macallin Aadan, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanku ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagarta iyo falalka ay maleegayeen kooxaha Khawaarijta. Howlgallkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga… - [Guddiga Doorashooyinka oo ololaha wacyigalinta diiwaangalinta codbixiyeyaasha ku qabtay Wanlawayn](https://wargeys.com/guddiga-doorashooyinka-oo-ololaha-wacyigalinta-diiwaangalinta-codbixiyeyaasha-ku-qabtay-wanlawayn/): Wanlawayn(SONNA):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Kulan looga hadlayay wacyigalinta dadwaynaha ee diiwaangalinta codbixiyeyaasha ku qabtay Degmada Wanlawayn. Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyo maamulka Degmada, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii shacabka Degmada ugu qayb qaadan lahaayeen ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.     - [Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway ](https://wargeys.com/wasiirka-qoyska-xfs-oo-kulan-la-qadatay-xoghayaha-shaqaallaha-dowladda-norway/): Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaadatay Xoghayaha Shaqaallaha iyo Arrimaha Bulshada dalka Norway Kjetil Vevle ayadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo wada shaqeynta labada dowladood. Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar iyo C/laahi Maxamed Calas oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Norway, waxaana kulankaasi si gaar ah looga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha la xiriira daryeelka Bulshada gaar ahaan tayeynta adeegyada… - [Faaqidaadda: Doorka haweenka Somaliland ee siyaasadda](https://wargeys.com/faaqidaadda-doorka-haweenka-somaliland-ee-siyaasadda/): Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku eegeynaa doorka dumarka Somaliland iyo ka-qeybgalka ay ku leeyihiin siyaasadda. Barnaamijkan waxaa magaalada Hargeysa ku soo diyaariyey wariyaheena Khadar Maxamed Cakule. Sii akhri - [Cudur aan la aqoon oo dad ku dilay Karkaar, Puntland](https://wargeys.com/cudur-aan-la-aqoon-oo-dad-ku-dilay-karkaar-puntland/): Mas’uuliyiinta degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay dhinteen ka dib markii uu halkaasi ka dilaacay xanuun soo ritay dadka deegaanka, kaas oo aan ilaa hadda noociisa la garan. Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid ayaa VOA u sheegay in xanuunka uu wato qufac iyo qandho daran, taas oo sababtay in, inta ay xaqiijiyeen, afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin dumar ay u dhinteen. Waxa uu la hadlay wariyaha VOA, Yuusuf Maxamuud Yuusuf. Sii akhri - [Tartan Qur'aanka Kariimka ah oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay](https://wargeys.com/tartan-quraanka-kariimka-ah-oo-muqdisho-lagu-soo-gaba-gabeeyay/): MUQDISHO — Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii Khamiista ee ay Jimcaha soo galeysay lagu qabtay, xaflad abaalmarinno lacageed lagu guddoon siiyay dhalinyaro isugu jiray wiilal iyo gabdho oo kaalimaha hore kasoo galay, tartanka sannad-laha ah ee Qur’aanka Kariimka ah. Tartankan oo ay saddexdi sano ee lasoo dhaafay qabaneysay Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa sannadkaan marki ugu horreysay xafladda xiritaanka lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Kaalinta koowaad ee tartankan ayaa waxaa ku guuleystay, Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan oo helay abaalmarin lacageed oo gaareysa $20,000. Haddaba, faah faahinta tartankan ayuu Nur Hassan Nur ka wareystay, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Saalax Shariif… - [Bandhigga VOA: Xaaladda Muqdisho ee bisha Ramadaan](https://wargeys.com/bandhigga-voa-xaaladda-muqdisho-ee-bisha-ramadaan/): Muqdisho — Barnaamijka Bandhigga VOA toddobaadkan wuxuu diiradda saarayaa xaaladda guud ee shacabka Muqdisho, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo nolosha inta lagu jiro bisha Ramadaan. Wariyaha VOA ee Muqdisho, Cabdicasiis Axmed Barrow, ayaa soo jeedinaya. Sii akhri - [NISA oo sheegtay in duqeyn lagu dilay 41 Al-Shabaab ah](https://wargeys.com/nisa-oo-sheegtay-in-duqeyn-lagu-dilay-41-al-shabaab-ah/): Muqdisho — War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya (NISA) ayaa lagu sheegay in duqeymo cirka ah lagu dilay ilaa 41 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab. NISA waxay sheegtay in duqeymaha dhanka cirka ah ay ka dhaceen deegaannada Boos-Hareeri iyo Jambaluul, oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Khamiistii shalay u sheegay warbaahinta dowladda in duqeymo dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 150 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee ay kula dagaallamayso kooxda Al-Shabaab, xilli… - [Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegtay dilka horjooge sare iyo 50 Shabaab ah](https://wargeys.com/ciidanka-xoogga-dalka-oo-sheegtay-dilka-horjooge-sare-iyo-50-shabaab-ah/): Ugu yaraan 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal duqeyn ah oo laga fuliyay deegaanka Damasha Shabeelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS). Sii akhri - [Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Qaahira](https://wargeys.com/ciidamada-amniga-oo-soo-afjaray-weerarkii-al-shabaab-ee-hotel-qaahira/): Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan rag ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo shalay weerar ku qaaday hotel ku yaalla magaalada Beledweyne. Sii akhri - [Laascaanood: Ganacsiyada yar-yar oo soo batay bisha Ramadaan](https://wargeys.com/laascaanood-ganacsiyada-yar-yar-oo-soo-batay-bisha-ramadaan/): Laascaanood — Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaa bisha Ramadaan ku soo batay ganacsiyada yaryar ee ka furmay suuqyada iyo laamiyada magaalada. Wariyaha VOA-da ee Laascaanood, Cabdikariin Olol, ayaa haddaba warbixin la xiriirta arrintaas inoo haya. Sii akhri - [Sanaag: Maleeshiyo beeleed hubkooda wareejiyey](https://wargeys.com/sanaag-maleeshiyo-beeleed-hubkooda-wareejiyey/): Ceerigaabo — Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw-Cabdi, ayaa dhowaanahan ku sugnaa gobolka Sanaag si uu xal ugu helo maleeshiyo beeleedyo hubeysnaa oo deegaanka ku dagaallamayey. Ugu dambeyn, madaxweyne ku-xigeenka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay in kooxihii hubeysnaa ay hubka dhigaan, sida uu warbixintan ku eegayo wariyaha VOA-da ee Hargeysa, Xamse Cali Jeesto. Sii akhri - [Falanqeyn ku saabsan ciyaaraha Champions League](https://wargeys.com/falanqeyn-ku-saabsan-ciyaaraha-champions-league/): Madrid — Xalay waxaa la soo gabagabeeyay wareeggii labaad ee tartanka horyaalka caanka ah ee kooxaha kubadda cagta Yurub, UEFA Champions League. Warbixin iyo falanqeyn ku saabsan sheekooyinkii xiisaha lahaa ee laga diiwaan-geliyay ama ku jiray cayaarahii dhacay waxaa noo diyaariyay Cabdulqaadir Maxamed Mursal, oo ku sugan Washington, DC. Sii akhri - [Soomaaliya oo daah-furtay bixinta kaararka qaxootiga](https://wargeys.com/soomaaliya-oo-daah-furtay-bixinta-kaararka-qaxootiga/): Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Xeerka Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka, kaasoo loogu talagalay in lagu maareeyo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan gudaha dalka. Daahfurka xeerkan, oo ka dhacay xarunta Hay’adda Qaxootiga Qaranka, ayaa ka dhigan in Soomaaliya, oo kasoo kabaneysa colaado sokeeye oo muddo dheer hareeyay, ay hadda mihangalyo siinayso qaxooti iyo dad ajnabi ah oo dalalkooda kasoo cararay. Warbixin ku saabsan arrintan waxaa noo haya wariyaha VOA-da, Cabdulqaadir Maxamed Mursal, oo ku sugan Washington. Sii akhri - [NISA oo sheegtay in 16 Al-Shabaab ah ay ku dishay Basro](https://wargeys.com/nisa-oo-sheegtay-in-16-al-shabaab-ah-ay-ku-dishay-basro/): Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay aagga deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay hay'adda. Sii akhri - [Al-Shabaab oo weeraray hotel ku yaalla Beledweyne](https://wargeys.com/al-shabaab-oo-weeraray-hotel-ku-yaalla-beledweyne/): Dagaalyahanno hubeysan ayaa maanta weerar ku qaaday hotel ku yaalla magaalada Baladweyne ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay ku sugnaayeen odayaal dhaqameed iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo ehello la hadlay Reuters. Sii akhri - [Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka Beledweyne](https://wargeys.com/wararkii-ugu-dambeeyey-ee-weerarka-beledweyne/): Beledweyne — Ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne, ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen weerar qarax ku billaawday oo rag hubeysan oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay saaka aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan. Wararka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in ilaa iyo caawa rasaas goos goos ah laga maqlayay hotelka gudihiisa, halkaas oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, ciidamada Jabuuti ee qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo ciidamo Itoobiyaan ah. Haddaba, wararkii ugu… - [Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyey laba hindise sharciyeed](https://wargeys.com/baarlamanka-soomaaliya-oo-ansixiyey-laba-hindise-sharciyeed/): Muqdisho — Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey hindise- sharciyeedyada kala ah sharciga Cadaaladda Da'yarta Soomaaliyeed, iyo sharciga canshuuraha dakhliga. Warbixin arrintan ku saabsan waxaa Muqdisho inooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.   Sii akhri - [Britain oo $40 milyan ugu deeqday Soomaaliya](https://wargeys.com/britain-oo-40-milyan-ugu-deeqday-soomaaliya/): Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa maanta ku dhawaaqday in ay Soomaaliya siinayso in ka badan $40 milyan oo gargaar bani’aadannimo iyo caafimaad ah, si wax looga qabto baahiyaha degdegga ah ee haysta bulshooyinka ugu nugul. Sii akhri - [Wareysi: Maxaa ka cusub shidaal sahminta Soomaaliya?](https://wargeys.com/wareysi-maxaa-ka-cusub-shidaal-sahminta-soomaaliya/): Muqdisho — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday. Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa VOA-da u sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa dhanka kale wuxuu dhawaan heshiis dhinaca shidaalka iyo macdanta ah la galay dalka Azerbaijan. Falastiin Axmed Iimaan ayaa ugu horreyn wasiirka weydiisay safarkii uu dhawaan ku tegay dalka Azerbaijan iyo heshiisyadii uu la soo galay.   Sii akhri - [Jigjiga: Shacabka oo ka cabanaya sicir-barar](https://wargeys.com/jigjiga-shacabka-oo-ka-cabanaya-sicir-barar/): Jigjiga — Waxaa shalay dhammaaday tobanka hore ee bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo haatan la galay tobanka dhexe ee Ramadaan. Soonka sanadkan ayaa ku soo aaday xilli jiilaal ah inta badan dhulka Soomaalida ee Geeska Afrika. Magaalada Jigjiga, qoysaska iyo ganacsatada ayaa ka cabanaya sicir-barar. Warbixintan waxaa Jigjiga kasoo diray Mohamed Abdirahman Gata. Sii akhri - [Muxuu yahay cudurka indhaha ku dhaca ee Glaucoma?](https://wargeys.com/muxuu-yahay-cudurka-indhaha-ku-dhaca-ee-glaucoma/): Muqdisho — Sanad walba, 12-ka Maarso oo ku beegan berri oo Arbaco ah, ayaa dunida laga xusaa cudurka Glaucoma, kaas oo ah cudur indhaha biyaha ku fura una keena dhibaato xoog leh. Cudurkan, oo si sahlan aragga uga qaada qofka, halistiisa iyo sida wax looga qaban karo waxaa wariyaheena Muqdisho, Xasan Kaafi Qoyste, ka waraystay Agaasimaha Isbitaalka Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, Dr. Cabdisamad Xasan Haye. Sii akhri - [Somaliland oo dib u furtay dhul daaq-simeedka Banka Aroori](https://wargeys.com/somaliland-oo-dib-u-furtay-dhul-daaq-simeedka-banka-aroori/): Hargeysa — Somaliland ayaa Isniintii shalay dib u furtay dhul daaqsimeedka seeraha Banka Aroori ee gobolka Togdheer. Seerahan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona xoolo gaaraya in ka badan hal milyan iyo shan boqol oo neef. Warbixintan waxaa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakulle. Sii akhri - [Wasiirka Beeraha oo daah furay tababar  30-dhallinyaro ah lagu barayo cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta](https://wargeys.com/wasiirka-beeraha-oo-daah-furay-tababar-30-dhallinyaro-ah-lagu-barayo-cilad-bixinta-iyo-ku-shaqeenta-cagafta/): Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Mohamed Abdi Hayir ayaa daah furay barnaamijka tababarka farsmada gacanta ee cagafyada kaas oo 30 dhalinyaro lagu bari doono cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta 🚜 Tababarkaan oo ay iska kaashan doonaan wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS, shirkada Gaalooge iyo shirkada CASE IH ee dalka Italy ayaa socon doono mudo lix bilood ah. Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jamuuriyada Fadaralka Somaliya iyo Shirkada Gaalooge ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu xoojinaayo iskaashiga labada dhinac ee tababarka farsama yaqaanada, bandhigyada iyo tijaabinta qalabka beeraha iyo hormarinta tiknoolijiyada beeraha dalka. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka… - [Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafada](https://wargeys.com/guddoomiyaha-gobolka-banaadir-oo-300-ka-tirsan-shaqaalaha-dowladda-hoose-ee-xamar-u-wareejiyay-waaxda-nadaafada/): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa 300 oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar si loo dardargeliyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu muddooyinkaanba ku howlanaa; dib u qaabeynta iyo howlgelinta shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda iyo sameynta xeer nidaamiye qaabeynaya shaqada shaqaalaha, si qof weliba uu u heli xuquuqdiisa aasaasiga ah, isla markaana bulshada caasimadda ay u helaan adeegyada ay ugu baahan yihiin dowladda hoose ee xamar. “Bulshada canshuur bixiyeyaasha… - [Bangiga adduunka oo $19.2 Million ku abaalmariyey Puntland.](https://wargeys.com/bangiga-adduunka-oo-19-2-million-ku-abaalmariyey-puntland/): Puntland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyey ee Bangiga Aduunka oo kaashanaya baanka horumarinta dalka Jarmalka ku abaalmariyo Milaayiin dollar kadib markii ay si wanaagsan u maamushay mashruuca Baraaqo. Shir ka dhacay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu go’aamiyey in adduun lacageed oo gaaraya $19.2 Milyan lagu abaalmariyo hay’adaha ka faa’iidaystay mashruuca barwaaqo oo horay loo oran jirey Biyoole. Saraakiil katirsan bankiga adduunka ayaa xaqiijiyey in Puntland ay noqotay maamulkii ugu horreeyey ee mashruucaan uga faa’iidaystay sida ugu haboon guud ahaan DFS iyo dowlad goboleedyada dalka. Mashruucaan ayaa in ka badan labo sano ka socdey maamul goboleedyada dalka, halka… - [Shacabka Dhahar iyo Buraan oo taageeray go’aankii Isimada dhaqanka.](https://wargeys.com/shacabka-dhahar-iyo-buraan-oo-taageeray-goaankii-isimada-dhaqanka/): Qaar kamid ah degmooyinka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa waxaa maanta ka qabsoomay kulamo looga soo horjeedo faragelinta DFS iyo go’aamo ka soo baxay isimada dhaqanka ee labada gobol. Kulan ka dhacay degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa Mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda Puntland, maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu siweyn ugu taageereen go’aankii Isimada Sanaag iyo Haylaan ku caddeeyeen inaysan qayb ka ahayn shirka SSC KHATUMO ayna kamid yihiin Puntland. Ka qaybgalayaasha shirku waxay shegeen inay soo dhaweynayaan dhismaha SSC KHATUMO haseyeeshee ay tahay wax laga xumaado in hoggaanka maamulkaasi ku kaco kala fogayn bulsho… - [Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas](https://wargeys.com/safiirka-soomaaliya-ee-aaljeeriya-oo-la-kulmay-wasiir-dowlaha-arrimaha-dibadda-dalkaas/): Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan( Yusuf Jeego) oo Kulan mira-dhal ah la qaatay wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha dibadda ee dowladda Aljeeriya marwo Salma Bakhta Mansuuri. Kulanka inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed, iskaashiga horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka geeska Afrika. Sida oo kale, kulanka waxaa looga wadahadlay sida ay uga go’an tahay labada dal iskaashi wax-ku-ool ah, iyo in ay si buuxda uga qeyb qaadato dowlada Aljeeriya, dadaallada ay wado dowlada federaalka Soomaaliya ee ladagaalanka ururuda argagixisada. - [Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad…](https://wargeys.com/madaxweynaha-jamhuuriyadda-federaalka-soomaaliya-mudane-xasan-sheekh-maxamuud-oo-ka-qeybgalay-munaasabadda-xuska-sannad-guurada-65-aad/): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, midnimada iyo dowladnimada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taallada Daljirka Dahsoon cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka oo gaardis ku soo maray qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukaramma ee magaalada Muqdisho. Dabbaal-degga munaasabaddan waxaa ka qeyb ka ahaa diyaaradaha qumaatiga u kaco ee Ciidanka Cirka iyo sidoo kale ciidanka… - [Madaxweynaha Puntland oo daahfuray shirweyne looga arrinsanayo maamul baahinta](https://wargeys.com/madaxweynaha-puntland-oo-daahfuray-shirweyne-looga-arrinsanayo-maamul-baahinta/): Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland, muddo labo maalmood ah ka socon doona xarunta Madaxtooyada ee caasimada Garoowe. Shirkaa oo ay kasoo qaybgaleen Golaha Xukuumadda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimeyaasha Guud, Hanti-dhowraha Guud, Taliyeyaasha Ciidanka, Guddoomiyeyaasha Gobollada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasime-Waaxeedyada, Isu-duwayaasha Gobollada, Xoghayeyaasha Dowladaha Hoose iyo Masuuliyiinta kale ee Dowladda. Shirka ayaa intuu socdo la iskula wadaagi doona xogo ku saabsan shaqooyinka Dowladnimo ee qabsoomay iyo kuwa qorsheysan, fursadaha iyo caqabadaha, iyo sida ugu waanagsan ee maamul daadijinta heer deegaan, heer degmo illaa heer… - [Safaaradda JFS ee Kenya oo si heer sare ah u xustay sanad-guuradii 65-aad ee Maalinta Xorriyadda](https://wargeys.com/safaaradda-jfs-ee-kenya-oo-si-heer-sare-ah-u-xustay-sanad-guuradii-65-aad-ee-maalinta-xorriyadda/): Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ee dalka Kenya oo xustay 65-sano guuradii kasoo wareegatay maalintii xorriyadda qarankeenna ee 26-kii June sanadkii 1960-kii. Munaasabadda oo qeyb ka ahayd xuska Todobaadka Xorriyadda, waxaa ka qeybgalay in ka badan 100 danjire oo ka kala socoday safaaradaha iyo qunsuliyadaha ku yaala dalka Kenya, sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madax ka socotay hay’adaha QM, UN-Habitat, UNDP, iyo UNHCR, taas oo muujineysa muhiimadda caalamku siinayo xiriirka iskaashi ee ay leedahay Soomaaliya. Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in xiriirka labada dal uu gaaray heer istiraatiiji ah, isagoo hoosta… - [Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed iyo mashaariic kale](https://wargeys.com/madaxweynaha-jfs-oo-si-rasmi-ah-u-dhagax-dhigay-dhismaha-garoon-diyaaradeed-iyo-mashaariic-kale/): Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa deegaanka Haawaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe si rasmi ah uga dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo casri ah, Dekad iyo mashaariic kale. Madaxweynaha ayaa dhagax dhigga waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha D/G Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo madax kale - [Sacuudi Carabiya oo diidmo adag u gudbisay Mareykanka ka hor booqashada Trump](https://wargeys.com/sacuudi-carabiya-oo-diidmo-adag-u-gudbisay-mareykanka-ka-hor-booqashada-trump/): Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaddidaad cad u dejisay Madaxweyne Donald Trump iyo wafdigiisa kahor booqashadooda rasmiga ah ee bisha May: waa in aan laga hadlin arrinta caadiyeynta xiriirka Israa’iil. Fariintan waxaa soo gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan Al-Sacuud, intii uu booqasho ku joogay Washington DC bishii hore si uu uga shaqeeyo diyaarinta safarka Trump, sida ay Middle East Eye u xaqiijiyeen laba sarkaal oo Carbeed oo xog ogaal u ah kulamada. Inkastoo ay tahay arrin caadi ah in diblomaasiyiintu horay isula meel dhigaan ajendaha kulamada madaxda sare, codsiga Sacuudiga wuxuu muujinayaa welwelka boqortooyada ee ah in qaabka deg-degga ah… - [Amuuraha Islaamka: Faa'idooyinka caafimaad ee Soonka](https://wargeys.com/amuuraha-islaamka-faaidooyinka-caafimaad-ee-soonka/): LONDON — Barnaamijka Amuuraha Islaamka, wuxuu todobaadkaan ku saabsanyahay faa'iidooyinka soonka. Waxaa barnaamijka London ku soo diyaariyay Cabdixafid Cawil Ismaaciil. Sii akhri - [Deni oo ka hadlay wajiga saddexaad ee dagaalka Daacish](https://wargeys.com/deni-oo-ka-hadlay-wajiga-saddexaad-ee-dagaalka-daacish/): Madaxwaynaha Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa maanta  odayaasha gobolka Bari kala hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha amniga iyo abaabulka wajiga sadexaad ee dagaalaka ay Puntland kula jirto Daacish isagaa oo balan qaaday in aan wax denbi ah loo haysan dadkii uu horay cafiska ugu fidiyey, balse wuxuu dhinaca kale sheegay inuu talaabo ka qaadido doono cidii isku dayda in ay hawgalkaan wiiqdo. Wariyaha VOAda, Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintaan nooga soo dirtay Boosaso.   Sii akhri - [Mareykanka oo sii wadaya kaalmada uu siiyo Soomaaliya](https://wargeys.com/mareykanka-oo-sii-wadaya-kaalmada-uu-siiyo-soomaaliya/): Muqdisho — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan waxba iska beddelin taageerada maaliyadeed ee ay ka hesho Dowladda Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta amniga iyo arrimaha bani’aadannimada. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka cusub ee Mareykanka ay isla afgarteen in la sii wado kaalmooyinkii Mareykanka uu siin jiray Soomaaliya. Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo diyaariyay Cabdulqadir Maxamed Mursal.   Sii akhri - [Mandheera: Koronto la'aan saameysay dadkii soomanaa](https://wargeys.com/mandheera-koronto-laaan-saameysay-dadkii-soomanaa/): Shacabka ku nool magaalada Mandheera ayaa maalintii saddexaad ka mudaaharaadaya koronto la'anka ka jirta magaalada, taasoo keentay in dadka ay u talaaban magaalada xuduudda saaran ee Beledxaawo si ay u helaan baraf iyo waxyaabaha daruuriga ee korontada ku xiran, xilli lagu jiro bisha barakayasan ee Ramadaan. Goobaha caafimaadka ee Mandheera ayaa qalabkooda baaritanada waxay geyaan Beledxaawo si ay u helaan koronto ay howlahooda kusii wadaan. Wariyaha VOAda ee Gaarisa, Maxamed Faarax Shire aya warbxintan noo soo diray. Sii akhri - [Wicitaanka: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda](https://wargeys.com/wicitaanka-wasaaradda-dekedaha-iyo-gaadiidka-badda/): Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay hawlaha ay qabato Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawladda Federaalka ee Somalia.  Barnaamijka waxaa soo diyaariyey, soona jeedinaya wariyaha VOAda Nuur Xasan Nuur (Bukhaari)   Sii akhri - [Dowladda oo sheegtay in la dilay horjooge sare oo ka tirsan Al Shabab](https://wargeys.com/dowladda-oo-sheegtay-in-la-dilay-horjooge-sare-oo-ka-tirsan-al-shabab/): MUQDISHO — Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo "NISA" ayaa xalay shaacisay, in duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay, horjooge ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee kooxda. Bayaan kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay, in Yuusuf Dhegnaas iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidanka Soomaaliya ka fuliyeen deegaanka Ceelbacad ee degmada Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa noo diyaariyay, Cabdulqadir Samakaab.   Sii akhri - [Haweenka Soomaaliyeed oo ku Xusay 8-da Maarso Gocasho iyo Adkeysi](https://wargeys.com/haweenka-soomaaliyeed-oo-ku-xusay-8-da-maarso-gocasho-iyo-adkeysi/): Dumarka ku nool meelo kala duwan oo dunida ah ayaa maanta ugu dabaal degay maalinta caalamiga ah ee Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso iyagoo ku baaqaya inay la sinaadaan ragga xagga mushaaraadka shaqada, xuquuqda waxbarashada, cadaaladda iyo helista shaqooyinka xafiisyada go’aan gaarista. Laakiin, si ka duwan taas haweenka ku nool Soomaaliya ayaa sanaekan ku abaal degay xusuusta ma hadhooyinkii dagaalka sokeeye, doorka dumarka ee badbaadada dumarka iyo iyo haweenka Puntland oo dabaal degga maalintan u rogay, garab istaagga ciidankooda dagaalka kula jira maleeshiyada Daacish. Warbixinada 8-da Maarso oo wariyeyaasheenu ka soo dieren Muqdishu, Nairobi, Ivo Boosaaso halka hoose ka dhageyso.… - [AL-Sharca: Haraadigii Asad Ha Isa Soo Dhiibaan](https://wargeys.com/al-sharca-haraadigii-asad-ha-isa-soo-dhiibaan/): Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharca, ayaa ugu baaqay kooxaha uu ku tilmaamay inay yihiin haraadigii nidaamkii hore in ay isku soo dhiibaan dowladda, hubkana ay dhiibaan inta aysan wakhtigu ka dhicin.  Al sharac ayaa sheegay in kooxahani ay isku dayayaan inay tijaabiyaan awoodda dowladda cusub ee Suuriya oo aysan si fiican u aqoonin.  Axmed Al-Sharac ayaa sheegay in dowladda cusub ee Suuriya aysan marnaba u dulqaadan doonin kooxaha hubaysan ee ka baxsan dowladda, isagoo ku celiyay in ciidamada ammaanka ay mas'uul ka yihiin ilaalinta nabadda iyo xakameynta hubka oo gacanta dowladda kaliya lagu koobo.  Dhanka kale, hay'adda… - [Pakistan: Ajnabiga Sharci Darada ah Hanaga Baxaan](https://wargeys.com/pakistan-ajnabiga-sharci-darada-ah-hanaga-baxaan/): Wasaaradda arrimaha gudaha Pakistan ayaa jimcihii amartay dhammaan ajnabiga sharci la,anta ah iyo kuwa haysta kaararka ee muwadiniinta Afgaanistaan inay ka baxaan dalkaasi ka hor 31-ka bishan Maarso iyadoo ka digtay in haddii kale la masaafurin doono laga bilaabo Abriil 1deeda.  Islamabad ayaa hore ugu eedeeysay muwaadiniinta Afgaanistaan weeraro iyo dambiyo xagjirnimo ah, kuwaas oo ah ee muhaajiriinta ugu badan dalkaasi iyadoo Kabul ay diiday eedeymaha.  wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa ku sheegtay hadal ay soo saartay in dalka Pakistan uu ahaa dal si sharaf leh u martigeliya dadka uuna sii wadayo fulinta wajibadka dal shaqsiyaadka sii joogaya Pakistan… - [Xuutiyiinta Yemen oo Digniin U Diray Dhexdhexaadiyeyaasha Israel iyo Xamas](https://wargeys.com/xuutiyiinta-yemen-oo-digniin-u-diray-dhexdhexaadiyeyaasha-israel-iyo-xamas/): Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegay inay afar maalmood oo kama dambeys ah siinayaan dhexdhexaadiyayaasha wadahadallada xabbad-joojinta si ay cadaadis ugu saaraan Israel inay fasaxdo gargaarka bani'aadanimo ee Gaza loo dirayo.  Bayaan uu soo saaray hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta, Cabdulmalik Al-Xuuthi, oo lagu baahiyay barta Telegram, ayuu ku sheegay inay sugayaan dadaalka dhexdhexaadiyayaasha balse haddii Israa'iil ay sii waddo inay xannibto gargaarada bani’aadamnimo amma ay xirto dhammaan waddooyinka laga galo Gaza ay dib u bilaabi doonaan weerarada ay ku beegsanayaan maraakiibta mara biyaha caalamiga ah ee Badda Cas.  Xuutiyiinta ayaa horay u qaaday ku dhawaad 100 weerar oo ka dhan ahaa maraakiibta… - [Faaqidaadda: Doorka dhallinyarada ee mashaariicda dib u dhiska dalka](https://wargeys.com/faaqidaadda-doorka-dhallinyarada-ee-mashaariicda-dib-u-dhiska-dalka/): Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu maanta ku saabsan yahay mashaariicda maalgashiga iyo dib u dhiska ee laga hirgalinayo dalka iyo kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada. Sii akhri - [Soomaaliya oo ka hadashay duqeyta Itoobiya ee Sh/Dhexe](https://wargeys.com/soomaaliya-oo-ka-hadashay-duqeyta-itoobiya-ee-sh-dhexe/): Dowladda Soomaaliya ayaa shalay markii ugu horreysay xaqiijisay in ciidamada cirka ee Itoobiya ay toddobaadkan duqeyn la beegsadeen fadhiisimo ay Al-Shabaab ku lahayd Shabeellaha Dhexe. Sii akhri - [Bandhigga VOA: Xayiraadaha lagu giijiyey Al-Shabaab](https://wargeys.com/bandhigga-voa-xayiraadaha-lagu-giijiyey-al-shabaab/): Barnaamijkii Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay cunaqabateyntii ay dhawaan mar kale Qaramada Midoobay ku giijisay kooxda Al-Shabaab iyo waxa ay ka dhigantahay. Sii akhri - [Dowladda Federaalka oo soo saartay digniino ku socda shacabka](https://wargeys.com/dowladda-federaalka-oo-soo-saartay-digniino-ku-socda-shacabka/): Muqdisho — Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay maanta farriimo digniin ah oo dadka lagu wargelinayo inay ka fogaadaan aagagga ay ka dhow yihiin kooxda Al-Shabaab, halkaasoo ay weerar cirka iyo dhulka ah ku qaadi doonaan, sida ay sheegtay dowladdu. Waxay kaloo sheegtay dowladdu inay tallaabo ka qaadi doonto dadka u isticmaala baraha bulshada wararka been abuurka ah iyo kuwa la macaamila kooxaha argagixisada. Warbixin ku saabsan arrinkaasi waxaa noo haya Cabdulqaadir Maxamed Mursal.   Sii akhri - [Wareysi: Wasiir Fardowsa oo ka hadashay amniga garoonka Aadan Cadde](https://wargeys.com/wareysi-wasiir-fardowsa-oo-ka-hadashay-amniga-garoonka-aadan-cadde/): Muqdisho — Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho. Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya "weerarro soo fool leh" oo ka dhici kara, ayey tiri, goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho. Saacado ka dib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho, inkastoo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada… - [Madasha Haweenka: Xuska Maalinta Haweenka ee 8-da Maarso](https://wargeys.com/madasha-haweenka-xuska-maalinta-haweenka-ee-8-da-maarso/): Barnaamijka Madasha Haweenka waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay xuska maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso, waxaana ku eegeynaa caqabadaha ay wajahayaan haweenka Soomaaliyeed. Waxaa Muqdisho ka soo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.   Sii akhri - [Mareykanka oo ka digay weeraro iyo qaraxyo ka dhici kara Muqdisho](https://wargeys.com/mareykanka-oo-ka-digay-weeraro-iyo-qaraxyo-ka-dhici-kara-muqdisho/): Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay digniin amni oo degdeg ah, oo ku saleysan xog sirdoon oo la isku halleyn karo oo muujinaysa weerarro dhowaan dhici kara oo lala beegsanayo goobo kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya, oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho. Sii akhri - [Culeys dhaqaale oo soo wajahay ciidamada Soomaaliya](https://wargeys.com/culeys-dhaqaale-oo-soo-wajahay-ciidamada-soomaaliya/): Muqdisho — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in culeys dhaqaale soo wajahay, kadib markii ay istaageen kaalmooyinkii maaliyadeed ee ay heli jireen ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka. Tani ayaa ka dambeysay kadib markii Dowladda Mareykanka joojisay dhaqaalihii ay ku taageeri jirtay dalal badan oo dunida ah, kuwaas oo loo soo mari jiray hay’adda USAID. Warbixintan waxaa noo diyaariyey wariyaha VOA-da ee Washington, Cabdulqaadir Maxamed Mursal "Samakaab".   Sii akhri - [Somaliland oo la wareegtay qaar ka mid ah ciidanka madaniga ee Sanaag](https://wargeys.com/somaliland-oo-la-wareegtay-qaar-ka-mid-ah-ciidanka-madaniga-ee-sanaag/): Ceerigaabo — Somaliland ayaa sheegtay inay la wareegtay dufcaddii labaad ee xoogagga madaniga ah ee gobolka Sanaag, kuwaasoo la qorsheeyay in ay ka mid noqdaan ciidamada Somaliland. Tallaabadan ayaa waxaa muddo u joogay magaalada Ceerigaabo wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw-Cabdi, iyo madaxda dhaqanka ee deegaanka. Warbixintan waxaa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.   Sii akhri - [Wararkii ugu dambeeyay ee ciyaaraha](https://wargeys.com/wararkii-ugu-dambeeyay-ee-ciyaaraha/): Washington — Waxaa xalay Ingiriiska iyo Talyaaniga ka dhacay ciyaaro xiiso lahaa, halka caawa lagu wado in ay billowdaan wareegga 16-ka ee Koobka Kooxaha Yurub. Wararkii ugu dambeeyay ee ciyaaraha, waxaa inoo haya wariyaha VOA-da, Maxamuud Mascadde.   Sii akhri - [Golaha Ammaanka oo cosbooneeysiiyay xayiraadihi saarnaa Al Shabab](https://wargeys.com/golaha-ammaanka-oo-cosbooneeysiiyay-xayiraadihi-saarnaa-al-shabab/): New York — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shalay dib u cusbooneysiiyay xayiraadihii uu hore u saaray kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Dhammaan xubnaha Golaha Ammaanka ayaa aqlabiyad buuxda ku ansixiyay qaraar tirsigiisu yahay 2776, kaas oo kordhiyay muddada xayiraadaha kala duwan ee saaran Al-Shabaab. Warbixintan waxaa inoo soo koobaya Nuur Xasan Nuur.   Sii akhri - [Doorka haweenka Puntland ee dagaalka Daacish](https://wargeys.com/doorka-haweenka-puntland-ee-dagaalka-daacish/): Maamulka Puntland ayaa bilihii u dambeeyay waday howlgallo guuleystay oo ka dhan ah kooxda argagixisada ee Daacish, taas oo hoy ka dhigtay buuraha Bari ee Soomaaliya. Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa iyaguna dadaal ugu jira sidii ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada qalabka sida. Sii akhri - [Barakacayaasha Muqdisho oo ka walaacsan cunto yari](https://wargeys.com/barakacayaasha-muqdisho-oo-ka-walaacsan-cunto-yari/): Muqdisho — Qoysas barakac ah oo ku nool xeryo ku yaalla degmada Daayniile ee magaalada Muqdisho ayaa ka walaacsan xaalad cunto-yari ah iyo dayacaad haysta, xilli lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan-Kafi Qoyste.   Sii akhri - [Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha](https://wargeys.com/barnaamijka-wicitaanka-dhageystaha-3/): Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay doorashada qoska iyo codka ah ee la doonayo in laga qabtay gobolka Banaadir.  Barnaamijka waxaa soo diyaariyey, soona jeedinaya Nuur Xasan Nuur (Bukhaari.)   Sii akhri - [Xaaladda Soomaali ku xiran xabsiyada Sacuudiga](https://wargeys.com/xaaladda-soomaali-ku-xiran-xabsiyada-sacuudiga/): Riyadh — Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada dalka Sacuudiga kuwaasoo qaarkood lagu xukumay dil. Qaar ka mid ah maxaabiistan ayaa lagu eedeeyay ka ganacsiga mukhaadaraadka halka kuwo kalena loo heysto danbiyo kale. Haddaba warbixin arrintan ku saabsan waxaa noo diyaariyay wariyaha VOA-da ee Washington Cabdulqadir Samakaab.   Sii akhri - [Borama: Dab muddo toddobaad ah gubaya beero iyo guryo](https://wargeys.com/borama-dab-muddo-toddobaad-ah-gubaya-beero-iyo-guryo/): Beeraleyda deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ayaa khasaara xoog leh uu kasoo gaaray dab gubay guryo ay ku noolaayeen iyo dalagyadii ay ku tabceen beerahooda.   Dadkaasi oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dabkaasi oo aan la garaneyn cidda hursay uu muddo todobaad ah guryahooda gubaaye, khasaare badanna geystay . Haashim Shekh Cumar oo la kulmay dadka dhibku soo gaaray ayaa warbixintan ku eegaya.   Sii akhri - [Somalia: 4.4 milyan oo la kulmi kara cunno yari](https://wargeys.com/somalia-4-4-milyan-oo-la-kulmi-kara-cunno-yari/): Warbixin ay dhowaan si wadajir ah usoo saareen hay’adaha QM iyo dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qiimayn cusub oo ku saabsan haqab-beelka cuntada ee Soomaaliya ay tilmaamayso in dad gaaraya 4.4 milyan oo qof ay wajihi karaan dhibaato cunno yari oo aad u daran inta u dhaxaysa bilaha April iyo June ee sanadkan 2025-ka. Saadaashan ayaa tibaaxeysa in abaar daran, roobka oo aan sidaas u di’in xilli roobaadka, sicirka raashinka oo cirka galay iyo colaado ka socda qeyba ka mid ah dalka ay xaaladda haqab-beelka cunnada kaga sii dartay, iyadoo xoola dhaqatada iyo dadka miyiga ku nool ay yihiin… - [Xildhibaanno reer Jubaland ah oo sheegay in socdaalkii laga hor istaagay](https://wargeys.com/xildhibaanno-reer-jubaland-ah-oo-sheegay-in-socdaalkii-laga-hor-istaagay/): Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabay eed xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ay usoo jeediyeen madaxda ugu sarreysa dawladda oo ku aaddan in safar ay ugu ambabaxayeen magaalada Kismayo ay ka hor istaageen. Mudanayaasha qaarkood ayaa kulankii ay lahaayeen kusoo jeediyay in Ajanadayaasha golaha shacabka lagu daro mooshin ka dhan ah is hortaag ay sheegeen in lagu sameeyeey socdaalkooda, kaasoo lagula xisaabtamaayo hay’adaha ay quseyso. Warbixin ku saabsan waxaa noo haaya Cabdulqaadir Maxamed Mursal.   Sii akhri - [Caweyska Washington: Loollankii Fanka iyo Sirdoonkii Dalka](https://wargeys.com/caweyska-washington-loollankii-fanka-iyo-sirdoonkii-dalka/): Washington — Barnaamijka Caweyska Washington waxaad toddobkaan ku maqli doontaan wareysi uu barnaamijka siiyay Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Warsame oo loo yaqaan Jeeniqaar. Waxaa soo saartay soona jeedinaysa Caasha Ibraahim Aaden (Caasha Cuud).   Sii akhri - [Warbixin ku saabsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya](https://wargeys.com/warbixin-ku-saabsan-howlgalka-midowga-afrika-ee-soomaaliya/): Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa dhowaan ku heshiiyey tirada ciidamada qeybta ka noqonaya howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Africa aa AUSSOM. Waxa kaloo ay ku heshiiyeen tirada uu dal walba oo howlgalkan qeybta ka noqonaya uu yeelanayo. Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo soo jeedinaya Maxamed Colaad Xassan.   Sii akhri - [Warbixin gaar ah oo ku saabsan taariikhda Dr. Maxamed Yuusuf oo Muqdisho lagu aasay](https://wargeys.com/warbixin-gaar-ah-oo-ku-saabsan-taariikhda-dr-maxamed-yuusuf-oo-muqdisho-lagu-aasay/): Waxaa shalay magaalada Muqdisho lagu aasay Dr. Maxamed Yuusuf oo ahaa dhaqtar muddo dheer ka shaqeynayay caafimaadka & waxbarashada dalka oo dhowaan ku geeriyooday caasimadda Soomaaliya. Dr. Maxamed Yuusuf ayaa ahaa shaqsi dalka looga hayay xushmad ballaaran, muddo dheerna ka shaqeynayay Isbitaalka Madiina, xilli Muqdisho ay ku jirtay marxalad adag oo dagaallo ah, bulshaduna u baahneyd kaalmo caafimaad. Geeridiisa ayaa aad looga naxay, dadkii yaqaanay ayaa ku sheegay shakhsi qiimo weyn ugu fadhiyay dalka oo dhowr jeer khatar naftiisa u galiyay badbaadinta umadda. Wariyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin arrintaas ku saabsan inoo soo diray.   Sii akhri - [Martida Makarafoonka: Sh. Xassan Dhooye](https://wargeys.com/martida-makarafoonka-sh-xassan-dhooye/): Washington, DC — Barnaamijka Martida Makrafoonka waxa uu ku saabsan yahay faa'iidooyinka bisha barakeysan ee Ramadan, waxaana ku marti ah Shiikh Xassan Dhooye. Waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Xuseen Barre Aadan.   Sii akhri - [Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka](https://wargeys.com/barnaamijka-dhacdooyinka-toddobaadka-45/): Barnaamijkii dhacdooyinka toddobaadka waxaa ku jira warbixino iyo fallanqeyno ku saabsan wararkii ugu weynaa ee toddobaadka ee Soomaaliya iyo caalamka. Waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Maxamed Mursal (Samakaab).   Sii akhri - [Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha](https://wargeys.com/barnaamijka-hambalyada-iyo-heesaha-59/): Ku soo dhowaada Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee VOA waxaana toddobaadkan soo jeedinaya Ibraahim Xassan Daandurey iyo Nuur Xassan Nuur (Bukhaari).   Sii akhri - [Deni: Wajiga 3-aad ee dagaalka ayaa billaabanaya](https://wargeys.com/deni-wajiga-3-aad-ee-dagaalka-ayaa-billaabanaya/): Garoowe — Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadal uu xalay jeediyay kaga hadlay gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Deni ayaa sheegay in wajigii saddexaad ee howlgalka Hillaac uu maanta bilaabanayo, kaddib markii labadii waji ee hore ee dagaalka guulo waaweyn ay ka gaareen ciidamada Puntland. Waxa uu sheegay in muddo 7 cisho ah ay u qabanayaan kooxo uu sheegay inay la shaqeeyaan Daacish. Hadalka Madaxweynaha Puntland waxaa warbixintan ku eegaya wariyaha VOA ee Boosaaso, Faadumo Yaasiin Jaamac.   Sii akhri - [Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Xudur](https://wargeys.com/ciidamada-dowladda-iyo-al-shabaab-oo-ku-dagaalamay-xudur/): Xudur — Dagaal culus oo shalay ka dhacay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab, ayaa waxaa ku dhintay 7 askari halka ay 20 kale ku dhaawacmeen.  15 askari oo ka mid ah kuwii dhaawacmay ayaa la geeyay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa ka hadlay dagaalka, isagoo sheegay in ay ciidamada dowladdu sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warkan ka soo diray magaalada Baydhaba.   Sii akhri - [Faaqidaadda: Tahriibka dhallinyarada iyo doorka shaqo la’aanta](https://wargeys.com/faaqidaadda-tahriibka-dhallinyarada-iyo-doorka-shaqo-laaanta/): Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay tahriibka dhallinyarada iyo doorka ay shaqo la’aantu ku leedahay. Sii akhri - [Maxay ka dhigan tahay booqashada Abiy ee Muqdisho?](https://wargeys.com/maxay-ka-dhigan-tahay-booqashada-abiy-ee-muqdisho/): Muqdisho — Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Booqashada Abiy Axmed ayaa ku soo beegantay xilli labada dal ay isku dayayaan inay soo afjaraan khilaafkii January 2024-kii ka dhashay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland. Kadib khilaaf diblumaasiyadeed oo aad u kululaa oo ku saabsanaa arrintan, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay bishii December 11-keedii heshiis diblumaasiyadeed, oo loogu magac daray “Baaqii Ankara,” ku gaareen magaalada Ankara. Bishii Janaayo ee sanadkan, bil kadib heshiiskii Ankara, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud… - [Al-Shabaab oo maanta weerar ku qaaday Balcad](https://wargeys.com/al-shabaab-oo-maanta-weerar-ku-qaaday-balcad/): Balcad — Magaalada Balcad, oo qiyaastii 30 km dhinaca waqooyi ka xigta Muqdisho, waxaa maanta weerar ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaasoo muddo kooban gudaha u galay magaalada. Rasaas ay magaalada labada dhinac isku weydaarsadeen ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dad rayid ah. Warbixin arrintan ku saabsan waxaa Beledweyne ka soo diray wariyaha VOA, Xuseen Xassan Dhaqane.   Sii akhri - [Qoor Qoor oo sheegay in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah](https://wargeys.com/qoor-qoor-oo-sheegay-in-ay-qabanayaan-doorasho-qof-iyo-cod-ah-2/): Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka uu maamulkiisu kula jiro kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay in ay deegaanno badan xoreeyeen, welina ay dagaallo ka wadaan deegaannada ay weli ku harsan yihiin kooxda Shabaab. Sii akhri - [Bandhigga VOA: Malaayiin Soomaali ah oo wajahaya halis gaajo](https://wargeys.com/bandhigga-voa-malaayiin-soomaali-ah-oo-wajahaya-halis-gaajo/): Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay ku dhawaad 4.4 milyan oo qof oo halis gaajo ku wajahaya Soomaaliya bisha Juun, gaar ahaan abaarta awgeed, sida lagu sheegay warbixin ay taageerto Qaramada Midoobay (QM). Waxaa inoo soo jeedinaysa Falastiin Axmed Iimaan.   Sii akhri - [QM: 4.4 milyan oo qof ayaa halis gaajo ku wajahaya Soomaaliya](https://wargeys.com/qm-4-4-milyan-oo-qof-ayaa-halis-gaajo-ku-wajahaya-soomaaliya/): Ku dhawaad 4.4 milyan oo qof ayaa halis gaajo ku wajahaya Soomaaliya bisha Juun, gaar ahaan abaarta awgeed, sida lagu sheegay warbixin ay taageerto Qaramada Midoobay (QM) Arbacadii. Sii akhri - [Abiy Ahmed iyo Xasan Sheekh oo wada-hadallo ku yeeshay Muqdisho](https://wargeys.com/abiy-ahmed-iyo-xasan-sheekh-oo-wada-hadallo-ku-yeeshay-muqdisho/): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa Khamiista maanta ah gaaray Muqdisho si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta dadaallada dib u heshiisiinta ee labada dal. Sii akhri - [Maxay yihiin howlaha horyaalla kalfadhiga 6-aad ee baarlamanka?](https://wargeys.com/maxay-yihiin-howlaha-horyaalla-kalfadhiga-6-aad-ee-baarlamanka/): Qaar ka mid ah Xildhibaannada, aqoonyahannada, iyo ururrada bulshada rayidka ayaa ka hadlay aragtidooda ku aaddan howlaha horyaalla labada aqal ee Baarlamaanka, xilli uu dhawaan furmay kalfadhiga lixaad. Sii akhri - [Burcad-badeedda oo iskaga tegay doon ay afduubteen](https://wargeys.com/burcad-badeedda-oo-iskaga-tegay-doon-ay-afduubteen/): Burcad badeed Soomaali ah ayaa isaga cararay doon kalluumeysi oo ay ku afduubteen meel ka baxsan xeebaha Geeska Afrika, kadib muddo shan maalmood ah oo ay haysteen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Isniintii. Sii akhri - [Dagaallo culus oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Sh/Dhexe](https://wargeys.com/dagaallo-culus-oo-maanta-ka-dhacay-qeybo-ka-mid-ah-sh-dhexe/): Jowhar — Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa maanta weeraray deegaannada Alkowsar iyo Cadow Gurey, oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo dagaal culus uu ka dhacay. Aroornimadii hore ee maanta, kooxda Al-Shabaab oo iska soo hormarisay laba qof oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa weerar ku qaaday deegaanka Cadow Gurey, oo saldhig u ah ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala inta u dhexeysa degmooyinka Halgan iyo Buuloburde. Mas’uuliyiin ka tirsan dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab. Wariyaha VOA-da, Xuseen Xasan Dhaqane, ayaa dagaalkan ka wareystay Cabdiraxmaan Daahir… - [Natiijooyinka cayaarihii xalay ka dhacay Yurub](https://wargeys.com/natiijooyinka-cayaarihii-xalay-ka-dhacay-yurub/): Barcelona — Xalay waxaa meelo ka mid ah Yurub ka dhacay, ciyaaro ka tirsan horyaallada waaweyn gaar ahaan kan Spain. Wararki u danbeeyay waxaa innoo haya, Maxamuud Mascadde.   Sii akhri - [Soomaaliya oo sheegtay in duqeyn lagu garaacay Al-Shabaab](https://wargeys.com/soomaaliya-oo-sheegtay-in-duqeyn-lagu-garaacay-al-shabaab/): Jowhar — Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Talaadadii shalay sheegtay in duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad firxad ahaa oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Dowladdu waxay sheegtay in maleeshiyaadka la weeraray ay ahaayeen kuwo lagu jebiyay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Warbixin kooban oo arrintaasi ku saabsan waxaa inoo haya Nuur Xasan Nuur.   Sii akhri - [Booliska Somaliland oo ka warbixiyey saraakiil lagu dilay Hargeysa](https://wargeys.com/booliska-somaliland-oo-ka-warbixiyey-saraakiil-lagu-dilay-hargeysa/): Taliska Booliska Somaliland ayaa ka warbixiyay falal amni darro iyo dilal dhowr ah oo toorrey loo adeegsaday oo maalmihii lasoo dhaafay lagula kacay saraakiil ka tirsan isla ciidanka booliska. Sii akhri - [Soomaaliya oo wajahaysa xaalad cunto-yari oo aad u daran](https://wargeys.com/soomaaliya-oo-wajahaysa-xaalad-cunto-yari-oo-aad-u-daran/): New York — Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad cunto-yari oo aad u daran, iyada oo malaayiin qof ay la tacaalayaan gaajo iyo macaluul. Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee Qiimeynta Xaaladaha Cuntada (IPC) ayaa muujinaysa in xaaladdu kasii dari doonto bilaha soo socda, sababo la xiriira roob-yarida, sicir-bararka cuntada, iyo colaadaha socda.  Xuseen Barre ayaa faahfaahin inoo haya.   Sii akhri - [Ciidanka Puntland oo qabsaday saldhiggii ugu weynaa ee Daacish](https://wargeys.com/ciidanka-puntland-oo-qabsaday-saldhiggii-ugu-weynaa-ee-daacish/): Boosaaso — Ciidamada Puntland ayaa duhurnimadii maanta waxa ay maleeshiyada Daacish kala wareegeen dhawr saldhig, oo uu ku jiro saldhigga weyn ee Sheebaab, oo ah halka uu ku dhammaado Togga Jeceel, oo ay dagaalladii ugu cuslaa ku dhex mareen Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish. Hawlgalkaan kooxda Daacish looga qabsaday saldhigyada cusub ayaa Taliyaha Ciidanka Badda Puntland, General Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in aysan wax dagaal ah kala kulmin muddadii uu hawlgalku socday.  Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa khadka taleefonka ku wareysatay isaga oo ku sugan Taliska Sheebaab, ee ay maanta ka qabsadeen Daacish.   Sii akhri - [Wasiir Fiqi: Hakinta Taageerada Maraykanku raad bay yeelanaysaa](https://wargeys.com/wasiir-fiqi-hakinta-taageerada-maraykanku-raad-bay-yeelanaysaa/): Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay saameyn ay yeellan doonta hakinta uu Maraykanku uu hakiyay taageerrada militari iyo gargaar ee Somalia uu siiyo. Wasiirka Arr. Dibedda Somalia, Axmed Macallin Fiqi oo VOA ay wareysatay ayaa sheegay in Somalia ay ku qasbanaan doonto inay buuxiso kaalinta uu Maraykanku banneeynayo. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale ku sheegay in Somalia ay doonayso inay dhex-dhexaadiso dhinacyada isku haya colaadda dalka Sudan. Fiqi wuxuu wareysiga VOA dhinaca kale uga hadlay xiriirka Somalia iyo Imaaraatdka, iyo waliba doorashooyinka Somalia. Falastin Axmed Iman ayaa wasiir Fiqi ku wareysatay xarunta VOA ee Washington DC oo uu nagu soo booqday.… - [Wicitaanka: Maalinta Afka Hooyo](https://wargeys.com/wicitaanka-maalinta-afka-hooyo/): Barnaamijka Wicintaanka Dhageystaha ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay Maalinta Afka Hooyo oo toddobaadkan dunida laga xusay. Barnaamijka waxaa soo diyaariyay halkana ka soo jeedinaya Nuur Bukhaari.   Sii akhri - [Puntland oo saldhigyo hor leh ka qabsatay Daacish](https://wargeys.com/puntland-oo-saldhigyo-hor-leh-ka-qabsatay-daacish/): Ciidamada Puntland  ayaa maanta sheegay in kooxda Daacish ay ka qabsadeen saldhigyo ku yaalla buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari. Saraakiisha ciidmada Puntland ayaa VOA u sheegay in saldhigyadan ay horay  duqaymo uga gaysteen  Maraykanka iyo Imaaradku. Faadumo Yaasiin Jaamac  weriyaha VOA  ayaa warkaan nooga soo dirata Boosaso.   Sii akhri - [Soomaalida Minnesota oo taageeraysa Puntland](https://wargeys.com/soomaalida-minnesota-oo-taageeraysa-puntland/): Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa iskudaya sidii ay taageero dhaqaale ugu heli lahaayeen dadaalka iyo dagaallada maamulla Puntland uu kula jiro maleeshiyada kooxda Daacish eek u sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Weriyaheena Maxamuud Mascadde ayaa arrimahan ka warystay Sheekh Maxamed Shucayb oo ka tirsan culimada Soomaalida Minnesota.     Sii akhri - [Martida Makarafoonka: Mustaqbalka Marinka Gaza](https://wargeys.com/martida-makarafoonka-mustaqbalka-marinka-gaza/): Washington, DC — Barnaamijka Martida Makrafoonka waxa uu ku saabsan yahay Xaaladda Marinka Gaza iyo Mustaqbalka Kooxda Xamaas.  Waxaa Barnaamijka marti ku ah Mustafa Shiikh Aadan Aamin oo ah suxufi falanqeeya arrimaha caalamka. Waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Xuseen Barre Aadan.   Sii akhri - [Caweyska Washington: Maxamed Sh. Xassan Libinside](https://wargeys.com/caweyska-washington-maxamed-sh-xassan-libinside-2/): Washington — Barnaamijka Caweyska Washington waxaad toddobkaan ku maqli doontaan wareysi uu barnaamijka siiyay Dhaqan-yaqaan Maxamed Sh. Xassan Libin-side. Waxaa soo saartay soona jeedinaysa Caasha Ibraahim Aaden (Caasha Cuud).   Sii akhri - [Dhacdooyinka; Wareysi aan la yeelannay Wasiirka Arr. Dibadda Soomaaliya](https://wargeys.com/dhacdooyinka-wareysi-aan-la-yeelannay-wasiirka-arr-dibadda-soomaaliya/): Barnaamijkii dhacdooyinka toddobaadka waxaa ku jira warbixino iyo fallanqeyno ku saabsan wararkii ugu weynaa ee toddobaadka ee Soomaaliya iyo caalamka. Waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Maxamed Mursal (Samakaab).   Sii akhri - [Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha](https://wargeys.com/barnaamijka-hambalyada-iyo-heesaha-58/): Ku soo dhowaada Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee VOA waxaana toddobaadkan soo jeedinaya Nuur Xassan Nuur (Bukhaari).   Sii akhri - [Xassan Sheekh: Waa in dadka la siiyo fursad ay ku doortaan 'ciddii matali lahayd'](https://wargeys.com/xassan-sheekh-waa-in-dadka-la-siiyo-fursad-ay-ku-doortaan-ciddii-matali-lahayd/): Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalka ay ka qaban doonaan doorasho dadweyne mudda ka badan 55 sano ka dib. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay kal-fadhiga lixaad ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya oo maanta uu ka furay xarunta Villa Hargeysa. Faahfaahinta warkan waxaa Muqdisho ka soo diray wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.   Sii akhri ## Pages - [Gasho xayeesin](https://wargeys.com/gasho-xayeesin/) - [Business](https://wargeys.com/business/) - [Academy](https://wargeys.com/academy/) - [Podcast](https://wargeys.com/podcast/) - [Radio](https://wargeys.com/radio/) - [TV](https://wargeys.com/tv/) [comment]: # (Generated by Hostinger Tools Plugin)