Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxii hawlgallada dibedda ee al-Shabaab 'oo la dhaawacay'


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Madaxii hawlgallada dibedda ee ururka al-Shabaab ayaa lagu dhaawacay duqayntii Sabtidii ka dhacday Jilib, sidaas waxaa sheegay dawladda Soomaaliya.

Cusmaan Maxamed Cabdi, oo ku magacdheer Macallin Cusmaan ayaa lagu dhaawacay duqayntaas. Ilaa hadda ma cadda nooca dhaawaca soo gaaray.

War-saxaafadeed kasoo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cusmaan uu kooxda u qaabilsanaa arrimaha dibedda, keenista ajaanibta ee dalka iyo fududaynta kala gudbinta fikradaha.

Dawladda ayaa sheegtay in marka la bartilmaameedsaday uu guri ku dhuumanayey.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay VOA Somali in Macallin Cusmaan uu horey u noqday madaxa difaaca ee Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay hawlgalka ciidamada Maraykanka Africa ee AFRICOM ayaa goor hore oo maanta ah VOA u sheegay in dhaawac usoo gaaray hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo la bartilmaameedsaday.

Taliska AFRICOM oo ka jawaabayey su’aal ay VOA weydiisay ayaan magacaabin hoggaamiyaha al-Shabaab ee la bartilmaameedsaday.

AFRICOM waxay sheegtay in qiimaynta lagu sameeyey hawlgalkaas in mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab lagu dhaawacay.

Hawlgaka AFRICOM ayaa sheegay in hawlgalkan iskaashi lagala sameeyey dawladda federaalka ee Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay inaan dad rayid ah waxba kasoo gaarin duqayntan.

Hawlgalkan ayaa imanaya iyadoo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku joogaan dalkan Maraykanka.

Mahad Salaad iyo wafdigiisa ayaa muddo toddobaad ah oo ay joogeen dalkan Maraykanka kulamo la yeeshay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka, iyo kuwa hay’adaha CIA iyo FBI.

Sarkaal codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay idaacadda VOA inay labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga amniga iyo la-dagaalanka argagixisada ee labada waddan.

Madal

XS
SM
MD
LG