Mogadishu —
Shalay waxay hal sano u buuxsantay muddada uu xilka hayey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii labaad oo 15-kii May loo doortay mar kale madaxweynaha Soomaaliya, waxaana intii uu ku jiray ololihiisa uu sameeyay ballaan-qaadyo dhowr ah.
Haddaba weriyahaga Muqdishu Cadulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa eegaya wixii isbeddel ah ee muddadaas ka dhacay dhinaca amniga, caddaaladda iyo siyaasadda.